Allbanaadir.com
NEWS

Ciro oo shir xasaasi ah la qaatay Madaxda xisbiyada Somaliland

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) wuxuu maanta kulan ballaadhan Xarunta Madaxtooyada kula qaatay Guddoomiyeyaasha iyo Hoggaanada Saddexda Xisbi Qaran ee WADDANI, KAAH iyo KULMIYE.  Madaxweynuhu wuxuu Saddexda Xisbi Qaran uga mahad naqay inay ajiibeen kulanka uu ugu yeedhay, isaga oo 3-da Xisbi Qaran ugu hambalyeeyay guushii ay Xisbiyo ahaan ka soo hooyeen doorashooyinkii ka dhacay dalka, iyagoo ahaan doona Xisbiyada Qaranka ee 10-ka sanno oo socda.

Madaxweynuhu wuxuu hoggaanka saddexda Xisbi u sheegay in la kulanka iyo xog warranka Xisbiyada Qaranku uu noqon doono mid ay Xukuumaddiisu joogtayn doonto si wada tashi buuxa looga yeesho arrimaha Qaranka mudnaanta u leh iyo kolba wixii soo kordha ee u baahan in laga wada tashado. Madaxweynuhu wuxuu Xisbiyada Qaranka u sheegay in ay qayb ka yihiin talada Qaranka, wuxuuna u ballan qaaday in uu si toos ah ula socdsiin doono kolba wixii Qaranka ku soo kordha.

Intaa kadib, Madaxweynuhu wuxuu Guddoomiyeyaasha iyo Hoggaanada Saddexda Xisbi Qaran si qoto dheer ugaga xog warramay guud ahaannba arrimaha amni ee dalka, gaar ahaan colaadaha ka aloosan Degmada Ceerigaabo. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Xukuumadiisu aanay ahayn mid dadkeeda kula jirta dagaal, balse ay tahay waajib Dastuuriya in dalka laga difaaco cadow kasta oo isu soo bahaysta, Ciidamada Qarankuna ay amar buuxa ku qabaan in ay difaacaan mamulkiisa

Dhinaca kale, Madaxweyne Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi wuxuu mar kale gogol nabadeed oo aan shuruud lahayn ugu baaqay cid kasta oo ku lug leh colaadaha ka aloosan bariga gobolka Sool iyo Degmada Ceerigaabo.

Intaa kadib, waxa hadalka la wareegay labada Xisbi Mucaarid ee Qaranka KAAH iyo KULMIYE waxayna Madaxweynaha si milgo leh ugaga mahad naqeen kulanka wada-tashi ee uu ugu yeedhay Xisbiyada Qaranka, waxayna sheegeen in tallaabadan uu qaaday Madaxweynuhu tahay mid u adeegaysa danaha Somaliland Labada Xisbi Mucaarid waxay ballan qaadeen in ay Madaxweynaha iyo Xukuumadiisaba si dhaw ula shaqayn doonnaan, xag Amni, xag Dhaqaale iyo xagga midaynta ummadda Somaliland. Labada Xisbi Mucaarid waxay Madaxweynaha u soo jeediyeen talooyin waayeelnimo oo dhaxal-gal ah oo la xidhiidha xaaladaha Amni ee dalka iyo sidii loo maarayn lahaa colaadaha haatan taagan.

Sidoo kale, labada Xisbi Mucaarid waxay Madaxweynaha u ballan qaadeen in ay dhankooda Xukuumadda kala shaqayn doonaan wacyigelinta iyo kobcinta garaadka bulshada, midaynta ummadda iyo la dagaallanka propagandada iyo hadallada naxliga leh ee lagu kala qaybinayo Bulshada.

Labada Xisbi Mucaarid waxay Madaxweynaha kula taliyeen in la kobciyo lana awoodeeyo Xisbiyada Siyaasadda ee Qaranka iyo hannaanka dimuqraadiga, taasoo suurto gelin doonta kobcinta aragtida iyo garaadka bulshada iyo in si wadajir ah loola dagaallamo Qabyaaladda iyo kala qaybinta bulshada.

Ugu dambayntii, waxa kulanka hadal kooban  ka soo jeediyey Hoggaanka sare ee Xisbal Xaakimka WADDANI, waxayna sheegeen in ay labada Xisbi Mucaarid la qabaan, lana qaateen dhammaan arrimaha ay  kulanka kaga hadleen. Xisbal Xaakimka WADDANI wuxuu soo jeediyey ka wada shaqaynta arrimaha mudnaanta u leh Qaranka, gaar ahaan sidii talo looga yeelan lahaa xasilinta shaqaaqooyinka ka taagan Degmada Ceerigaabo iyo Bariga Sool.

Related posts

Ma dhab baa in la sii daayey qaar ka mid ah raggii loo heystay dilka Caa’isha Ilyaas?

Caydiid Ali

Hadal heyn ka dhalatay Wadahadal uu Madaxweyne Farmaajo la yeeshay Barham Saalix

Cabdi Cade

Sacuudiga oo digniin adag u diray dadka Sharci darada kusoo galaya magaalada Makka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---