Allbanaadir.com
NEWS

Kulan ka dhan ah kooxda Al Shabaab oo ka dhacay magaalada Mombasa

Kulan socday muddo todobaad ah oo looga hadlaayay la-dagaalanka argagixisada iyo xakamaynta farriimaha gurracan oo ay soo agaasintay Urur-Gobolleedka IGAD ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Xoghayaha Guud ee IGAD Dr Workneh Gebeyehu iyo ku Xigeenka Xoghaya Guud Mudane Maxamed Cabdi Waare, oo kulankaan ka hadlay ayaa tilmaamay muhiimadda ay gobolka u leedahay in la abuuro warbixinno lagu ciribtirayo Al Shsbaab iyo fikiradaha argagaxa leh ee kooxaha argagaxisada ah ay gaarsiiyaan bulshada.

Agaasimaha waaxda la-dagaalanka fikirka xagjirka ah ee IGAD Dr Simon Nyambura, oo kulanka soo xiray ayaa shahaadooyin guddoonsiiyey qeybaha dhaqanka, Culimada iyo warbaahintii kasoo qeyb gashay shirkaan.

Soomaaliya ayaa kamid ah goobaha ay dhibaatooyinka ka wadaan kooxsha argagaxisa ah  , dowladda Soomaaliya ayaana dagaal dhinacyo kala duwan ah kula jirta kooxaha argagaxisada ah ee galaaftay nolosha kumanaan qof.

Related posts

Dowlada Somalia oo tirakoob ka soo saartay khasaaraha qaraxii maanta (Akhriso)

Caydiid Ali

Shil argagax leh oo ka dhacay magaalada Muradnaga & dad ku dhamaaday (Sawirro)

Caydiid Ali

Xaaska Taliye Sirdoon oo la sameeyay iyo Faah Faahino dheeraad ah oo kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---