Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wakiillada Mareykanka oo ansixiyay Miisaaniyad KMG ah kaddib markii

Golaha Wakiilada ee Mareykanka ayaa ugu dambeyn meel mariyay miisaaniyad kumeel-gaar ah oo lagu sii maalgelinayo dowladda federaalka Mareykanka ilaa bisha Maarch, kadib labo isku day oo hore oo fashilmay.

Codbixintii ka dhacday Golaha ayaa waxaa taageeray 366 mudane, halka 34 ka soo horjeesteen, hal xildhibaanna uu ka aamusay. Dhamaan mudanayaasha diiday miisaaniyadda waxay ahaayeen xubno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga.

Mudanayaasha Jamhuuriga ayaa isku raacay soo jeedin cusub oo la xiriirta miisaaniyadda. Shir dheer oo ay yeesheen xildhibaannada Jamhuuriga kadib, Afhayeenka Golaha Wakiillada, Mike Johnson, ayaa sheegay in la isku afgartay qorshe cusub oo looga fogaado xirnaanshaha shaqada dowladda.

Tallaabadan degdegga ah ayaa timid kadib markii xildhibaanada Jamhuuriga ee Kongareeska ay Khamiistii ku guul-dareysteen in ay meel mariyaan miisaaniyad uu taageerayay Madaxweyne la doortay Donald Trump.

Si miisaaniyadda loo ansixiyo oo looga fogaado xiritaanka dowladda, labada aqal ee Kongareeska – Aqalka hoose oo Jamhuuriga uu ku badan yahay iyo Aqalka Senate-ka oo Dimuqraadiyiinta maamulaan – waa inay ansixiyaan. Madaxweyne Joe Biden ayaa sheegay in uu taageersan yahay miisaaniyadda uuna saxiixi doono.

Related posts

Madaxweyne Farmaajo & wafdi uu horkacayo oo gaaray Baydhabo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamada Israa’iil oo dilay haweeney Mareykanka ah iyo cambaareyn loo jeediyay

Cabdi Cade

Midowga Musharaxiinta oo kala caddeeyey inay sii jiri doonaan & in kale kadib Shaki soo baxay !!

admin
Taboola Ads ---