Kooxda Xamaas ayaa sheegatay masuuliyadda dil loo geestay askar katirsan ciidamada maamulka Israa’iil, kaddib markii weerar la qorsheeyay uu fuliyay nin katirsanaa dagaalyahannada kooxda Xamaas oo iska dhigay askari Israa’iili ah..
Dagaalyahankan katirsanaa kooxda Xamaas ayaa isku dhax qarxiyay askar katirsan ciidamada Israa’iil, waxa uuna halkaasi ku dilay labo askari oo katirsanaa milatariga Israa’iil, waxa uu sidoo kale dhaawacay tiro kale oo askar ah.
War kasoo baxay garabka hubeysan ee ururka Xamaas ,Guutada Qassam ayaa lagu sheegay in dagaalyahan kooxda katirsanaa oo ku labisnaa dareeska ciidanka Israa’iil uu galay goob ciidamada Israa’iil kaga sugnaayeen xerada qaxootiga ee Jabalia.
Xamaas ayaa sheegtay in ninkan iyaga katirsanaa uu dhaxda ka galay lix askari oo katirsanaa ciidamada Israa’iil, waxa uuna isku qarxiyay goobtii ay joogeen askartaasi, iyadoona askartii goobta joogtay noqdeen kuwa dhintay iyo kuwa dhaawacmay sida Xamaas sheegeen.
Milatariga Israa’iil ayaan ka hadlin weerarkan Xamaas sheegtay in ay ku dileen askarta Israa’iil , mana jiro ilo madaxbannaan oo xaqiijinaya warkan kasoo baxay ururka Xamaas ee lagu dilay weerarka ka dhacay xerada qaxootiga Jabaliya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com