Taliyihii hore ee Hay’adda nabbadsugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay afar layaab uu sheegay in ay ka dhaceen deegaanka Raaskanbooni oo maalmo kahor uu ka dhacay dagaal lagu jabiyay ciidanka xoogag dalka.
Fahad Yaasiin , ayaa tilmaamay waxyaabaha lala yaabay ee ka dhacay deegaanka Raaskanbooni ay kmid yihiin in masuul ku faano in ciidanka qaranka dagaal la galo kuna rido xabbad, sidoo kale ciidankii Qaranka ay isku dhiibaan ciidanka dal shisheeye.
Halkan ka akhriso qoraalka uu uu arrimahan kaga hadlay Fahad Yaasiin.
𝐀𝐅𝐀𝐑𝐓𝐀 𝐋𝐀 𝐘𝐀𝐀𝐁 𝐄𝐄 𝐑𝐀𝐀𝐒𝐊𝐀𝐍𝐁𝐎𝐎𝐍𝐈:
𝐋𝐀𝐁𝐀𝐀𝐃: In Ciidankii Xoogga Dalka uu dal shisheeye iska dhiibay oo uu jab intaas le’eg ku dhacay, misana Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha aysan qaadin tallaabo isla xisaabtan ah, oo ay ula fal galeen sidii dhacdo caadi ah. Waa mahadho taariikhda ku hari doonta.
𝐒𝐀𝐃𝐃𝐄𝐗𝐀𝐀𝐃: Askartii la geeyey Raaskanbooni waxaa isugu darsamay dayac nololeed, saanad yaraan iyo caqiido hoosayn. Qaarkood waxay is waydiinayeen talow labada dhinac keebaa xaq ah, oo aan u dhimannaa. Heerkaas yaa ciidanka gaarsiiyey? Waa mahadho taariikhda ku hari doonta.