Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo War soo saaray amaana u jeediyay ciidanka ….

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo ku aaddan sanad guuradii 81-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii ciidanka Booliska Soomaaliyeed u diray Taliska guud ee Ciidanka, Hoggaannada kala duwan, Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada, Alifleyda, Dablayda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo qoysaskooda.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa tilmaamay in ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay yihiin hooyada dhammaan ciidanka qalabka sida ee dalkeennu leeyahay, sidaas awgeedna ay muhiimad gaar ah u leeyihiin Qaranka Soomaaliya.

Xamsa Barre ayaa intaasi ku daray in Boolisku yahay halbowlaha nabadda iyo dhowrista sharciga, isaga oo ku bogaadiyey sida ay har iyo habeen uga feejigan yihiin dhagarta Khawaariijtu la damacsan tahay shacabka Soomaaliyeed.

Booliiska Soomaaliya ayaa la aas aasay sannadkii 1943-dii 20-kii bishii December, waxaana sannad kasta maanta oo kale la sameeyaa xus loogu dabaaldegayo aas aaska ciidanka booliiska, kuwaa oo wax badan ka qabtay ammaanka dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada oo Qarash badan ku bixisay Fashilinta Banaan baxa Muqdisho laga abaabulayo

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo safar yaab leh ku tagaya dal ka tirsan Yurub

Caydiid Ali

Laami Cusub oo laga dhisay Muqdisho oo maanta xariga laga jaray (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---