Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Trump oo hanjabaad culus hawada u mariyay Midowga Yurub

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa Jimcaha maanta ah ugu hanjabay Midowga Yurub canshuuro, haddii ururka uusan dhimin farqiga “weyn” ee ganacsi ee kala dhaxeeya Washington oo aanu ka iibsan saliid iyo gaas.

“Waxaan u sheegay Midowga Yurub in ay waajib ku tahay in ay kabaan nuskhaanka baaxadda leh ee ganacsiga kala dhaxeeya Mareykanka, ayaga oo si ballaaran u iibsanaya saliiddeena iyo gaaskeena,” ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social, saacadihii hore ee Jimcaha.

“Haddii kale, waa canshuur,” ayuu yiri.

Sida ku cad tirooyinka Mareykanka, badeecadaha laga keeno Midowga Yurub waxay ahaayeen $553.3 bilyan 2022-kii, halka badeecadaha loo dhoofiyo Midowga Yurub ay ahaayeen $350.8 bilyan.

Tani waxay ka dhigeysaa farqiga ganacsiga badeecadaha ee Mareykanka iyo Midowga Yurub $ 202.5 bilyan sanadkaas.

Trump, oo xafiiska la wareegaya bisha Janaayo, ayaa ku hanjabay canshuur dharbaaxo ah oo uu ku soo rogayo saaxiibada ganacsi ee Mareykanka – oo ay ku jiraan Canada, Mexico iyo Shiinaha – taas oo gilgili karta dhaqaalaha adduunka.

Isaga oo ku eedeeyay Canada iyo Mexico in ay ogolaadeen in Maraykanka lagu soo daadiyo daroogooyinka sharci darrada ah iyo muhaajiriinta aan sharciyeysnayn, waxa uu ku dhawaaqay 25 boqolkiiba canshuur ah oo la saaro badeecadaha ay usoo dhoofiyaan Mareykanka, halka uu sidoo kale wacad ku maray ugu yaraan 10 boqolkiiba oo ka dhan ah Shiinaha.

Canada, Mexico iyo Shiinaha ayaa ah saddex ka mid ah saaxiibada ganacsi ee ugu weyn e Mareykanka.

Horaantii bishaan, Midowga Yurub wuxuu soo gabagabeeyey heshiis ganacsi oo ballaaran oo uu lala galay afar waddan oo ku yaalla Koonfurta Ameerika – Argentina, Brazil, Paraguay iyo Uruguay – kaas oo ujeedkiisu yahay in la abuuro aag ganacsi oo xor ah oo dhan 700 milyan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kheyre oo ugu baaqay Xasan Sheekh in uu raaligelin ka bixiyo gef uu geestay

Cabdi Cade

Israel oo shaacisay in ay dileen Shadi Baaruud iyo Xogta waxa uu ahaa ninkan

Cabdi Cade

Xubno cusub oo kamid noqday Golaha Wasiirrada oo lagu hor dhaariyay Aadan Madoobe (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---