Suudaan ayaa aad uga carootey hadal kasoo yeeray taliyaha Guud ee Ciidamada Milatariga Uganda oo ah wiilka uu dhalay Madaxweynaha Uganda
Jen Muhozi ayaa ku hanjabay inuu duulan ku qaadi doono Suudaan oo uu qabsan doono caasimada Khartuun isagoo gacan ka helaya Mareykanka.
Jeneralkan uu dhalay Madaxweynaha Uganda ayaa sheegay inuu sugayo oo kaliya inta uu xafiiska la wareegayo Madaxweyne Trump oo uu ku tilmaamay “Saaxiibkii.” intaas kadibna uu qabsan doono Khartuun.
Sudan oo arintan oo aad uga carootey ayaa sheegtey in hadalkani yahay mid aan laga fiirsan oo khatar ku ah maba’adiida caalamiga ah iyo is ixtiraamka dowladaha ka dhexeeya, waxayna Uganda ka dalbatey raaligalin rasmi ah iney gefkaasi ka bixiso.
Sidoo kale Dowlada Suudaan ayaa ugu baaqday Midowga Afrika, Ururrada Gobolka iyo kuwa caalamiga ah iyo dhammaan beesha caalamka inay cambaareeyaan hadalladan khatarta ku ah nabadda iyo xasiloonida gobolka.
Wiilka uu dhalay Madaxweynaha Uganda ayaa marar badan shaaciyey hadalo muran badan iyo caro ka dhex abuuray Ugandha iyo dalalka la deriskala la ah.