Xoogaga Al-Shabaab ayaa weerar khasaara dhaliyay Aroornimadii saaka ku qaaday saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Xawaadley ee gobolka Sh/dhexe.
Dagaal la isku adeegsaday hub kala duwan ayaa labada dhinac halkaas ku dhexmaray iyadoo Kooxda Al-shabaab ay sheegatay in 21 askari oo ay ku jiraan saraakiil ciidan lagu dilay weerarka.
Ma jiraan Warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab iyadoo isgaarsiintii deegaanka ay hawada ka baxday, taasoo la rumeysan yahay in Al-shabaab ay si bareer ah u jartay weerarka ka hor.
Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in ay gacanta ku dhigeen askar, islamarkaana ay qaateen agab ciidan iyo hub, iyadoo dhinaca kale aysan jirin war ka soo baxay ciidamada DF oo la xiriira dagaalkaas
khasaaraha dhabta ah ee weerarkan ayaan weli la ogeyn ku dhawaad labo sano ka hor ayeyna aheyd markii weerar kan lamid ah uu ka dhacay deegaanka Xawaadley, oo hoostaga degmada Balcad kaasoo lagu dilay G/Sare Abshir Maxamuud Maxamed (Shataqey) oo ahaa Taliyihii Qeybta 3-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo askar kale.