Allbanaadir.com
NEWS

Midowga Afrika oo War ka soo saaray heshiiskii Somalia & Itoobiya

Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa soo dhoweeyay heshiiskii ay dhawaan wada gaareen dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya.

Midowga Afrika ayaa ku booriyey in si buuxda loo dhaqangeliyo. Goluhu wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xaqiijiyo maalgelinta joogtada ah ee Hawlgalka Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), si kor loogu qaado xasilloonida iyo amniga gobolka Geeska Afrika.

War qoraal ah oo ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in ay uga mahadcelinayaan taageerada joogtada ah ee ay Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamiga ah u fidiyaan hawlgelinta AUSSOM.

Goluhu waxa kale oo uu ka codsaday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in ay sahamiyaan fursadaha maalgelinta ee lagu dejiyay Qaraarka 2719 (2013). Goluhu wuxuu xusay, inay muhiim tahay in AUSSOM ay si hufan u gudato waajibaadkeeda oo ay taageerto Qorshaha Horumarinta Amniga ee Soomaaliya.

Related posts

Saddex waxyaabood oo ay tahay inaad is weydiiso curashada sanadkan cusub ee 2020?

Cabdi Cade

Khilaaf soo kala dhex galay Maxkamada sare & tan Racfaanka G/Banaadir (Qoraalo isburinaya)

Caydiid Ali

Casho sharaf sagootin ah oo loo sameeyey Madaxda 5ta dowlad goboleed (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---