Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Trump: “Sacuudiga la’aantiis, wey adkaan laheyd iney jirto Isra’iil”

Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa markii ugu horeysay kashifay heerka uu gaarsiisan yahay xiriirka Sacuudiga iyo Isra’iil, wuxuuna sheegay haddii aanu Sacuudiga ahaan lahayn in Israa’iil ay xaalad halis ah ku jiri lahayd, meeshana ka bixi lahayd, sida uu yiri.

waxaa uu sheegay in dowlada Sacuudiga ay muhiim u tahay jiritaanka Israa’iil, isagoo sii raaciyey, in dano badan uga xiran yihiin Boqortooyada Sacuudiga.

Arrintan ayaa sii xoojineysa shakiga hore looga qabay xiriirka qarsoodiga ah ee Sacuudiga iyo Israa’iil, oo isla wada qorsha la baxay heshiiskii Qarniga, kaasoo weli la qarinayo, laguna wado in Israa’iil loo sharciyeeyo dhulka Falastiin.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale difaacay Boqortooyada Sacuudiga, isagoo sheegay in wax kasta dhaca uu Sacuudigu ahaan doono saaxiib muhiim u ah danaha Mareykanka.

Trump oo caawa saxaafadda la hadlay ayaa mar kale sheegay in warbixinta CIA-da Mareykanka ee dilkii Saxafiga Jamal Kashoqgi aanay ku caddeyn inuu dilka ka dambeeyay dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman, suuragalna ay tahay in laga fahmo, wuxuuna saxaafadda dalkiisa ku eedeeyay inay warar khaldan ka qortay dhacdadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo Xariga ka jaray Wado laami ah oo Muqdisho laga dhisay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xasan Sheekh oo diiday in Fahad Yaasiin kala hadlo arimo Siyaasadeed iyo Sanbaloolshe oo …

Cabdi Cade

Cillad ku timid baraha bulshada ee Facebook , WhatsApp iyo sidoo kale Instagram

Cabdi Cade
Taboola Ads ---