Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo shir xasaasi ah la qaatay Golihiisa Wasiirada

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Shir gudoomiyay kulanka Golaha Wasiirada oo lagaga hadlay qodobo dhowr ah.

Wasaaradda amniga ayaa ka warbixisay Xaalada amniga guud ee deegaanada Jubaland iyo howlgalo ay sameeyeen Ciidamada Jubaland.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka ayaa golaha warbixin ka siisay Gargaar ay wasaaraddu gaarsiisay dadka ku nool deegaanada xeebaha ee gobolka Jubada Hoose gaar ahaan Raaskambooni.

Wasaaradda ayaa maalmahii lasoo dhaafay dadka deegaanka u qeybinaysay Gargaar loogu talagalay sidii dadka deegaanku ay uga soo kaban lahayeen firaaqa ku yimid dhaqdhaqaaqa Ganacsiga iyo adeeg bixinta kadib markii ay halkaas gaareen ciidamada DF.

Axmed Madoobe ayaa khilaaf meel adag maraya waxaa uu kala dhexeeyaa madaxda dowlada Somalia kaasoo salka ku haya arrimaha doorashooyinka, iyadoo DF diiday dib u doorashadiisa markii 3aad oo ka dhacday Kismaayo dhowaan.

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay shirka aan Caadiga aheyn ee madaxda IGAD u furmaya

Cabdi Cade

Doorashada Kursigii uu ku fadhiyay Mahad Salaad oo la shaaciyay xilliga la qabanayo

Cabdi Cade

Xogta kulan Kismaayo ku dhexmaray Guuleed iyo Axmed Madoobe (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---