Golaha Ammaanka ee Qaramad Midoobeey ayaa si wadajir ah u ansixiyay qaraarka tirsigiisu yahay 2762 (2024) oo lagu kordhiyay cunaqabataynta hubka ee saaran Al Shabaab iyo dhoofinta dhuxusha oo ay macaash ka sameeyaan sida ku cad xogta UNSC.
Balse qaraarka waxaa ku jira qodob halis ah oo meesha ka saaraya jiritaanka dowladnimada Soomaaliya una ogolaanaya Wadamada caalamka in ay howlgal ka sameeyaan biyaha Soomaaliya lana wareegi karaan wixii ay ka shakiyaan.
Qaraarkaan, ayaa dowladaha xubnaha ka ah UN u oggolaanaya inay baaraan Maraakiibta iyo doomaha maraya badda Soomaaliya
Maraakiibta waxay haystaan ​​ruqsad ay ku baari karaan mataakiibta ay ugu shakiyaan iney sidaan alaabaha la mamnuucay, sida dhuxusha, hub ama qalab ciidan, iyo walxaha qarxa.
Dawladaha xubnaha ka ah UNka ayaa sidoo kale loo oggolaaday inay qabtaan oo ay la wareegaan wax kasta oo ay u arkaan qatar amni sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay golaha amaanka ee QM