Burcad badeed bishii hore ku afduubtay markab kalluumeysi, oo laga leeyahay dalka Shiinaha oo ay la socdeen 18 shaqaale xeebaha waqooyi bari ee Soomaaliya, ayaa dalbanaya lacag madax furasho oo dhan 10-milyan oo dollarka Mareykanka ah, sida uu sheegay sarkaal Soomaali ah.
Afduubayaasha ayaa sidoo kale baraha bulshada ku baahiyey sawiro muujinaya maxaabiista ay afduubteen oo ay ku hareeraysan yihiin rag hubaysan oo saaran sagxada markabka.
Markabkan ayaa la afduubtay dabayaaqadii November, waxaana la geeyey degmada Xaafuun ee maamul goboleedka Puntland, halkaasi oo lagu haysto iyo maxaabiistii la qabtay.
Sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in markabkan ay Puntland siisay ruqsad kalluumeysi 2020-kii, balse ay dhacday ruqsadda.
Sarkaalka ayaa codsaday inaan magaciisa la shaacin, maadaama aan loo ogoleyn inuu ka hadlo arrintan. Ma uusan faah faahin dalabka madax furashada.
Ciidamada Midowga Yurub ee la-dagaalanka burcad badeeda, Eunavfor Atalanta, ayaa toddobaadkii hore dhacdada ku tilmaamay “dhac ka dhacay badda”.
Afduubka ayaa hoosta ka xariiqaya caqabadaha joogtada ah ee amni ee ka jira badda Soomaaliya. Soomaaliya ayaa muddo sanado ah waxaa aafeeyey burcad badeednimo, kuwaas oo gaaray heerkii ugu sarreeyay 2011-kii, markaasi oo Qaramada Midoobay ay sheegtay in in ka badan 160-weerar laga diiwaan-geliyay xeebaha Soomaaliya.
Dhacdooyinka ayaa aad hoos ugu dhacay tan iyo markaas, sababo la xiriira joogitaanka ciidamada badda Maraykanka iyo xulafadooda ee biyaha caalamiga ah.