Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Dhuxulow ayaa kormeer shaqo ku tagay Garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magalada Muqdisho
Meelaha uu kormeeray waxaa ka mid ah qaybaha soo degista iyo bixidda ee Guddaha iyo Dibedda iyo xarunta Waaxda Ajaanibta, bixinta Dal-kugalka iyo Dal-kujooga.
Agaasimaha Guud ayaa kormeerka kadib waxa uu kulan la qaatay isla markaana warbixin ka dhagaystay Agaasimeyaasha, Madaxda xafiisyada iyo Kormeerayaasha Socdaalka iyo Xuduuddaha.
Waxaa uu kula dardaarmay horumarinta shaqada iyo in xoogga la saaro wadashaqaynta iyo kala dambaynta nidaamka Shaqada.
Sidoo kale, Agaasimaha Guud ayaa kormeer ku tagay xafiiska Waaxda Ajaanibta, bixinta Dal-kugalka iyo Dal-kujooga, waxa uuna kormeerka ka dib warbixin ka dhagaystay Agaasimaha iyo Howlwadeenada kale ee Waaxda.
Waa talaabadii u horeysay ee uu qaado Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Dhuxulow oo shalay si rasmi ah ula wareegay, waxaana looga fadhiyaa inuu wax badan ka qabto caqabadaha dadka Soomaaliyeed ka heysta adeegyada ay bixiso heyaddaas.