Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo si weyn Baydhabo loogu soo dhaweeyay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG dowlad gobolleedka Koofur Galbeed .

Xamse Barre iyo wafdiga la socday waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Madaxweyne Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen), masuuliyiin katirsan labada golle ee DFS  iyo boqolaal Bulshada ku dhaqan magaalada Baydhabo.

Ujeedka Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa la xiriira xoojinta wadashaqeynta Hay’adaha Dowladda ee Heer Federaal iyo heer Dowlad Gobolleed, u kuur galidda horumarrada ka jira Koonfur Galbeed iyo ka qeyb galka Xafladda sanad guurada 6aad ee ka soo wareegtay Muddada uu Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed hoggaaminayay Madaxweyne Lafta Gareen.

Magaalada Baydhbao, waxaa horey ugu sugnaa guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wasiirro iyo xildhibaanno katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka, kuwaa oo Baydhabo iyana u tagay ka qeybgalka xafladda uu dhiganyo Laftagareen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirkad Soomaaliyed oo sheegety in Hantida lagu Dhisayo Isbitaalka Sheekh Zayed Muqdisho ay tahay Hanti laga Dhacay

Cabdi Cade

Isbitaalka taqasusiga ah ee Dalmar oo fuliyey Mashruuc Indho fiiqis & Daweyn Bilaash ah

Caydiid Ali

Cali Guudlaawe oo arrimo yaab leh kala hadlay danjiraha Kenya u fadhiya Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---