Allbanaadir.com
NEWS

Guddiga Doorashooyinka Qaranka loo xil saaray oo Warbixin laga dhageystay

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay xubnaha guddiga madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa xubnahan loo xil saaray doorashooyinka uu qaabilay ka dhagaystay warbixin ku saabsan howlohooda shaqo iyo waxyaabihii u qabsoomay, waxa ayna guddiga la wadeegeen guddoomiyaha sida ay shaqada u wadaan iyo waxa u qabsoomay.

Guddoomiye Cabdi Xaashi, ayaa ku booriyay xubnaha guddiga in ay ka madax bannaanaadaan siyaasadda iyo aragtida dhinacyada, ayna si siman ugu adeegaan dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, islamarkaana ay ka feejignaadaan in ay dhinac gaar ah la saftaan, isagoo alle uga baryay in uu haleeshiiyo tubta toosan.

Guddiga doorashooyinka iyo soohdimada Qaranka ayaa loo xil saaray qabashada doorasho qof iyo cod ah, xilli muddo xileedka dowladda ka harsan tahay muddo sannad iyo bar ah, waxaana adag in xilligan dalka uga dhacdo doorasgo qof iyo cod ah, xilli ay jiraan khilaa siyaasadeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Weerar Mindi loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Paris (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo laalay go’aan Xukuumada xilka sii heysa ka gaartay Qaadka Kenya

Caydiid Ali

Nin Madaxweyne Caan ah ka sameeyay Muuqaal Aroos Been Abuur ah oo dacwad lagu soo oogay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---