Waxaa saakay gaari madow oo yaallay xaafada shacabka ee magaalada Hargeysa, laga dhax helay meydadka askari katirsanaa ciidanka ilaalada Madaxtooyada maamulka Somaliland iyo haweeney gaari la saarneyd.
Goobjooayaal ayaa sheegay in saakay la arkay gaariga oo waddo dhinaciisa yaalla, waxaana markii la baaray lagu dhax arkay meydadka askari katirsabnaa ilaalada Madaxtooyada iyo haweeneyda la socotay, waxaana la sheegay in aysan jirin wax rasaas ama dhaawacyo jirkooda ka muuqday.
Ciidamada booliiska magaalada Hargeysa ayaa la sheegay in ay tageen goobta lagu arkay meydadka , waxa ayna booliiska sheegeen in ay baarayaan meydadkan labada qof ee gaariga lagu dhax arkay iyo waxa sababay dhimashada labada qof.
“Taliska guud ee Ciidanka Booliska JSL , waxa uu gacanta ku hayaa baadhista kiiska laba marxuum oo saaka laga helay maydkooda gaadhi dhexdii degmada Gacmo-dheere ee Hargeysa. Boolisku waxa uu bulshada u xaqiijiyay in baadhista kiiskaasi ay socoto , waxaana marka ay baadhitaanku dhammaado bulshada la wadaagi doonaa natiijada kiiskan.
Dhacadan ayaana noqotay mid maanta si weyn looga hadal hayo magaalada Hargeysa, waxaana dhacdio tan lamid ah bilo kahor ka dhacday magaalada Muqdisho kaddib markii gaari dhaxdiisa laga helay meydadka nin iyo naag ku dhax jiray.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com