Maamul goboleedka Puntland ayaa eedeymo culus u jeedisay dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa ayna ku eedeeyeen in dowladda ka shaqeeneyso iska horkeenida dadka ku dhaqan gobilka Mudug, ayna bilowday hagardaamooyin amniga liddi ku ah.
Shir ay yeesheen xubnaha guddiga amniga gobolka Mudug ayaa looga hadlay xaalada ammaan ee gobolka iyo hagardamaooyin ay sheegeen in dowladda Federaalka Soomaaliya ka wado qeybo kamid ah gobolka Mudug , gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland , ayaa sheegay in amniga gobolka Mudug faragalin ku heyso dowladda Federaalka, waxa uuna ku eedeeyay dowladda in gobolka Mudug soo galisay hub iyo agabyo ciidan , si ay colaad uga huriso.
“Shirka ayaa la isla qaatay in laga digtoonaado farafaraynta ay dawlada Federaalka ku hayso gobolka Mudug ayadoo hub iyo agab ciidan kusoo guraysa gobolka si ay u huriso Colaad beeleedyo hor leh una dhantaasha midnimada shacabka reer Puntland ayadoo adeegsanayo xeelado iyo lacago la isaga horkeenayo shacabka reer Puntland.”
Waxa uuna intaa ku daray guddoomiyaha Mudug ee Puntland” “Guddiga amniga gobolka ayaa shacab ka reer Puntland gaar ahaan kuwa gobolka Mudug uga digaya hagardaamooyinka ay dowlada Federaalka ku wiiqayso midnimadooda cid walba oo ku gacansiisa dawlada fadaraalka ah iska horkeenka shacabka gobolka Mudug waxaa laga qaadayaa talaabo sharci ah oo shacab iyo dowladba aan ku midaysanahay.”
Maamulka Puntland ayaa marar badan eedeymo kala duwan usoo jeedisay dowladda Federaalka Soomaaliya, mana jiro eedeymahaasi inta badan jawaabo ay ka bixiso dowladda, waxa auna jawaab uga dhigaan kaliya aamisnaanan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com