Ciidanka xoogga dalka oo kaashamaya ciidanka deegaanka iyo booliska degmada Wisil ayaa xalay gacanta ku dhigay labo gaari oo siday shidaal iyo agabka kale, kuwaas oo la tuhunsan yahay in loo waday dhinaca kooxda Al Shabaab.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalkaan ayaa sheegey in labadaan gaari ay gacanta kusoo dhigeen isla markaana ay ku raad joogaan kuwa kale oo la tuhun San yahay iney u ararnyihiin ururka Al Shabaab.
Gaadiidkan ayaa la qabtay iyaga oo marayay waddooyin qardo jeex ah, waxaa sidoo kale gacanta lagu dhigay laguna hayaa baaritaanno darawaladii gaadiidkan waday iyo dad kale oo la socday labadan baabuur ee la qabtay.
Al Shabaab ayaa culeysyadii ugu adkaa ku wajahaysa deegaanada Galmudug, ciidanka xoogga dalka, kuwa deegaanka iyo darawishta Galmudug ayaana ku guuleystay xakameynta dhaq dhaqaaq kasta ee ku wajahan goobaha gabaadka ay ka dhigteen argagixisada.