Allbanaadir.com
NEWS

Sirdoonka Ruushka oo qabtay ninkii fuliyey dilka Jen. Igor Kirillov

Sirdoonka Ruushka ayaa gacanta ku dhigay nin lagu magacaabo , Kurbonov Akhmajon oo ah 29 jir u dhashay dalka Uzbekistan, kaasoo ay ku sheegeen inuu ka dambeeyey howlgalka lagu dilay sarkaalkii u sarreeyay militariga Ruushka qeybta kiimikada iyo ka hortagga shucaaca nukliyeerka ee Jen. Igor Kirillov

Dilka sarkaalkan ayaa loo adeegsaday walxaha qarxa oo lagu qarxiyay albaabka dhisme ku yaalla Moscow.

Hay’adda FSB, oo ah hay’adda lagu beddelay KGB markii uu burburay Soofiyeetkii, ayaa warbixinta ka soo baxday waxaa lagu sheegay ninka la qabtay inuu howlgalka ku qaatay Boqol kun oo dollar ($100,000) iyo baasaboor dal Yurub ah oo aan la magacaabin, balse waxaa la qabtay inta uusan baxsan.

Lama soo bandhigin sharraxaad intaa ka badan balse waxaa weli socdo baaritaano lagu ogaanayo hadii ay jiraan cid kale oo gacan ka geysatay weerarkan.

Dilka sarkaalkan sare ee Ruushka oo dhacay Talaadadii , ayaa si dhaqso ah waxaa u sheegtay sirdoonka Ukraine oo ka hor inta aan dilkan la geysay 24 saac ka hor ku eedeyay inuu bixiyay amarka howlgallo loo adeegsaday hubka kiimikada oo ka dhacay gudaha dhulka Ukraine, iyagoo markaa ku sheegaya dambiila wajahaya cawaaqibka weerarrada uu ka geystay Ukraine.

Ruushka ayaa ku hanjabay inuu u aargudi doono sarkaalkan oo dilkiisa ay sheegatay Ukraine, wuxuuna xusay in falkan uu horseedayo iney si toos ah u beegsadaan madaxda sare ee Ukraine.

Related posts

Natiijada Baaritaankii lagu sameeyay Shaqaalaha G/Banaadir oo lasoo bandhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

Xukuumada Oo Ogolaatay Heshiiska Kaalmada Deyn-cafinta Norway (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Laascaanood oo Maalintii 7aad laga maqlayo daryanka Madaafiic iyo tacshiirad culus

Caydiid Ali
Taboola Ads ---