Dalalka Ingiriiska , Faransiiska iyo Jarmalka ayaa ku eedeyay Iran inay sare u qaaday kaydka Uranium-ka aadka loo xoojiyey , heer aan horey loo arag.
Tallaabadan ayey ku sheegeen mid sharci darro ah , iyagoo markaa sheegay inay qaadayaan tallaabooyinka aan la hureyn si looga hortago sare u qaadista Iran ee kaydka Uranium-ka.
Safiirka Iran u fadhiya Qaramada Midoobay oo ka jawaabay hadalka saddexdan dal ayaa ugu hanjabay in haddii ay dib ugu soo rogaan cunaqabatayn Iran, markaas ay la kulmi doonaan cawaaqib qalalaase abuuri kare oo ka hor imaanaya danaha dalalkan.
Hadalkan saddexdan dal oo xalay soo baxay , wuxuu ku soo aaday xilli laga maqlay Netanyahu inay ka wada-hadleen Trump sidii ay weerar wadajir ah ugu qaadi lahaayeen barnaamijka nukliyeerka Iran oo ay ku sheegeen mid halis ah.
In la maqlo xiligan sare u qaadista Uranium-ka aadka loo xoojiyey oo suuragelinaya soo saarista bambada nukliyeerka waxay dedejinaysa iskudayga Mareykanka iyo Israaâiil ay ku doonayaan in meesha laga saaro barnaamijka nukliyeerka Iran.