Allbanaadir.com
NEWS

Xamse Barre oo u sheegay hal arrin oo looga fadhiyo Mustaf Dhuxulow

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda looga fadhiyo sidii Baasaboorka Soomaaliga uu u noqon lahaa mid la tartama baasaboorrada kale ee casriga ah ee dunida.

“Agaasimaha cusub ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, waxaa horyaalla shaqooyin badan oo ay kamid tahay hufnaanta Hey’adda, maadaama ay tahay mid kamid ah hey’adaha ugu sarreeya ee bixiya adeegga bulshada, waana halka ay cid walba ka eegayso adeegga ay dowladdu u hayso shacabka Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayey munaasabad uu xilka kula wareegayey Agaasimaha cusub ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mudane Mustaf Sheekh Cali (Dhuxuloow).

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Agaasimihii hore ee hey’adda shaqadii muhiimka ahayd ee uu dalka u soo qabtay muddadii uu xilka hayey, isaga oo kula dardaarmay agaasimaha cusub ee xilka la wareegay in uu dadaalkiisa galiyo horumarinta iyo tayeynta adeegga ay hey’addu bixiso.

Related posts

RW Rooble iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ku kulmay Mombasa (Sawirro)

Caydiid Ali

Midowga Musharaxiinta oo ka hadlay Go’aankii kasoo baxay Xukuumadda Rooble

Cabdi Cade

Shirka Xalane oo khatar cusub wajahaya iyo Warbixinadii ugu dambeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---