Allbanaadir.com
NEWS

Aadan Madoobe iyo Wasiirro oo hal arrin darteyd u tagay Baydhabo (Sawirro)

Guddoomiyaha golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaaladda Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Wafdiga guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa garoonka diyaaradaha ee Shaatigaduud kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), wasiiro Iyo xildhibaano ka tirsan Koonfur Galbed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaaladda Baydhabo.

Wafdiga guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Wasiirro katirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa Baydhabo uga qeyb galaya xuska sanad guurada lixaad ee Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka socota qaban qaabada xaflad weyn oo lagu xusayo sannadka guurada lixaad ee kasoo wareegtay markii la doortay Madaxweynaha talada maamulkaasi haya, iyadoona xusid mudan tahay afartii sanno ee sharciga ahaa mar hore dhammaatay uuna wali kasii taliyo halkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Weerar lagu qaadi lahaa Beerta Nabadda oo la fashiliyay iyo Jaakado qaraxyo ah oo la qabtay (Sawirro)

Cabdi Cade

Wiil Dhallinyaro ah oo Muqdisho lagu dilay iyo Faahfaahino kasoo baxaya cida dishay

Cabdi Cade

Guddiga Doorashada heer Federaal oo war kasoo saaray doorashada ka bilaabatay Puntland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---