Allbanaadir.com
NEWS

Israa’iil oo shaacisay in hoggaamiyaha cusub ee Suuriya in uu is dabaalis wado

Dalka Suuriya waxaa dhawaan ka dhacay isbadal weyn oon horey loo saadaalin, waxaana talada dalkaasi si fudud kula wareegay xoogagga mucaaradka sunniyiinta, kuwaa oo ka adkaaday ciidankii ka amar qaadanayay Madaxweyne Bashaar Al-assad.

Isbadalka ka dhacay dalka Suuriya ayaa siyaabo kala duwan looga hadlay, waxa ayna hoggaanka mucaaradka ee hadda la wareegay talada Suuriya sheegeen in aysan rabin in dagaallo kale galaan ama duullaan ku qadaan dalalka dariska la ah.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda maamulka Israa’iil ,haweeneyda lagu magacaabo  Sharon Haskel ayaa ku tilmaantay hoggaamiyaha talada Suuriya la wareegay, Axmed Al-Sharac (Julani)  in uu yahay ‘yeey xiran dharka idaha’..

Waxa ayna intaasi ku dartay Wasiirka in hoggaamiye Julani uu is -dabaalinayo  uuna qaniini doono Israa’iil, marka la gaaro waqtigiisa, iyada oo tilmaantay in ninkan yahay mid caqli badan oo xaalada hadda jirta raba in uu is-dabaalis uga gudbo.

Hadalkan kasoo yeeray Wasiirkan katirsan maamulka Israa’iil ayaa kusoo aadaya xilli hogaamiyaha cusub ee dalka Suuriya Axmed Al-Sharac (Julani)  shaaciyay inan Israa’iil laga weerarri doonin dhulka Suuriya, sidoo kale nabbad kula joogi doonaan dariskooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Isku dhac dhax Muqdisho ku dhax maray ciidamada Amniga iyo Arday galeysa Imtixaanka Shahaadiga

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo looga yeeray Adis Ababa kaddib heshiiskii uu la galay DFS (Sawirro)

Cabdi Cade

Muxuu yahay qorshaha uu waddo Shiikh Aadan Madobe ee la xiriira xariga Mukhtaar Roobow?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---