Allbanaadir.com
NEWS

Xil wareejinta Gudoomiyaha G/Banaadir oo socota & Xamse Barre oo..

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa caawa Xarunta dowladda Hoose ee Xamar uga qeyb galaya Munaasabad uu xilka kula wareegayo Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Maxamed Axmed Amiir.

Waxaa sidoo kale ka qeyb galaya munaasabadaas Wasiiro, saraakiil iyo qeybaha bulshada gobolka Banaadir, iyadoo laga jeedinayo khudbado kala duwan.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho u magacaabay Mudane Maxamed Axmed Amiir oo ah aqoonyahan ka soo shaqeeyay arrimaha dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo maamulka iyo maaraynta.

Madaxweynaha ayaa faray Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka iyo Duqa Muqdisho inuu sii dhammeystiro qorshayaasha horumarineed ee Caasimadda, isaga oo mudnaanta siinaya horumarinta magaalada, gaarsiinta bulshada Caasimadda doorasho dadweyne, sare u qaadista bilicda caasimadda, baahinta adeegyada aas-aasiga ah iyo adkeynta amniga.

Gudoomiyaha xilka baneynaya Yuusuf Madaale oo labo sano iyo dheeraad xilka hayey ayaa wax badan ka qabtay arrimo ay ka mid yihiin dhismayaasha jidadka burbursan ee magaalada oo qaarkood weli shaqo dib u dhis ah ay ka socdaan.

Related posts

Ahlusunna oo ka hadashay dagaalka ay ku soo qaadeen Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Dilal caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Maalqabeenka ugu da’da yar Afrika oo laga afduubtay goob jimicsiga lagu sameeyo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---