Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Madaxweyne Laftafareen oo Baydhabo ka daahfuray..

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka Qeybgalay Xaflada Howl-Gelinta Xabsiga Cusub ee Magaalada Baydhabo oo Qaab Casri ah loo Dhisay

Wasiirka Cadaalada iyo Arimaha Dastuurka XFS, Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Dalka, Goliyaasha Dowladda Koonfur Galbeed, Saraakiisha Hay’addaha Amniga, Madax ka socotay Hay’aada ka Shaqeeya Xabsiyada ayaa Goobjoog ahaa Xaflada Howl-Gelinta Xabsiga Cusub ee Magaalada Baydhabo

xabsigan cusub ayaa lagu dhisay taageerada hey’ada SIDA iyo Midowga Yurub ee Soomaaliya, waxaana hawlgeliyey Qaramada Midoobay iyada oo loo marayo barnaamijka wadajirka ah ee caddaaladda iyo xabsiyada.

Xabsigan ayaa diiradda saaraya kor u qaadidda dib-u-habaynta maxaabiista sida uu sheegay madaxweyne Laftagareen.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ay Wehliyaan Wasiirka Cadaalada XFS Mudane Xasan Macalin iyo Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Mudane Cabdulaahi Cali Watiin ayaa Booqday Dhismaha Wadooyinka Laamiga ah ee ka socda Xaafada Barwaaqo ee Duleedka Magaalada Baydhabo.

Related posts

Faahfaahin: Weerar Khasaare geystay oo ka dhacay Saldhiga Booliska Burtinle

Caydiid Ali

Daandaansiga iyo dhagarta qarsoon ee dowlada Kenya waa arrin la yaab leh !!

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Khayre oo ka qeyb galay shir muhiim ah oo ka dhacay Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---