Allbanaadir.com
NEWS

Maxay yihiin Gudiyada ay Magacabeen Somalia & Turkiga?

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dawladda Federaalka Soomaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan oo booqasho ku jooga dalka Turkiga ayaa waxaa si diirran usoo dhaweeyay Wasiirka Beeraha ee Dawladda Turkiye,Mudane Ibraahim Yumakli.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah iyo wafdigiisa ayaa soo bandhigay qorshaha rasmiga ah ee horumarinta kalluumaysiga Soomaaliya iyo fursadaha maalgashi ee loogu talagalay in ay ka faa’idaystaan labada dal ee saaxiibada ah.

Wasiirka Beeraha ee Turkiye wuxuu aad u soo dhaweeyay qorshahaan, asagoo soo jeediyay in si degdeg ah loo fuliyo isla markaana sheegay in dhankooda ay siinayaan muhiimada koowaad labada dalna u yahay mid ay si wadajir ah uga faa’iidaysan karaan.

Ugu danbeyn labada dal ayaa magacaabay labo guddi oo hawshaan dardar geliya oo ay hoggaaminaayaan labada Agaasime Guud ee labada wasaaradood, xubnana ka yihiin aqoonyahanno iyo xeeldheereyaal labada dhinac ka socda.

Related posts

Midowga Yurub oo ka hadlay Ciidamada Milatariga ee wali ku sugan Xaafadaha Muqdisho

Cabdi Cade

Dagaal u dhexeeya labo Maleeshiyo oo ka soo kala jeeda Puntland & Galmudug oo ka socda..

Caydiid Ali

Masaajid la dhisay 1,200 sano ka hor oo dhulka hoostiisa laga helay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---