Allbanaadir.com
NEWS

Salum Haji Othman oo lagu soo dhoweeyey taliska Ciidanka XDS

Taliyaha Ciidanka XDS Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa Taliska Ciidanka Xoogga dalka ku soo dhaweeyey Taliye Xigeenka Ciidanka Milatariga ee Wadanka Tansaniya S/Guud Salum Haji Othman

Taliye Xigeenka Ciidanka Milatariga ee Wadanka Tansaniya S/guud Salum Haji Othman ayaa salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidanka XDS.

Soo dhawaynta ka dib Wafdiga Taliye Xigeenka ayaa waxa xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Ciidanka XDS S/gaas Odawa Yuusuf Raage waxayna yeesheen kullan looga hadlaayey iskaashiga labada dal ee Dhanka Ciidanka.

Taliye ku-xigeenka ciidanka Tanzania Sarreeye Guud Salim Hajji Othman ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo saraakiil ciidan ayaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho kusoo dhoweeyay.

Dhinaca kale, Wasiirka Kheyraadka iyo Dalxiiska ee dalka Tanzania Dr. Pindi Chana ayaa maanta soo gaartay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Safiirka Soomaaliya ee dalka Tanzania Danjire Ilyaas Cali Xasan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimaha Waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Cabdulqaadir Maxamuud Yuusuf iyo masuuliyiin kale.

Related posts

Daawo Sawiro laga soo qaaday Madaafiic maanta ku dhacday xarunta Xalane

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo telfoon kula hadlay Erdogan ugana mahad-celiyay tallaabo uu qaaday

Cabdi Cade

Daawo:- Walaaca & ilinta waalidiintan oo sii korordhay & Calool xumuda Hooyooyinka !!

admin
Taboola Ads ---