Hay’adda Maraykanka u qaabilsan arimaha Socdaalka iyo masaafurinta (ICE) ayaa waxay baahisay tiradda dadka la Masaafurinayo iyo wadamadoodda 100-ka maalmood ee u horeeya muddo-xileedka cusub ee Madaxawayne Donald Trump.
Tiradda dadka tarxiil sugayaasha ah wajiga koowaad ayay ku sheegeen in ay tahay 1.4M (Hall milyan iyo afar boqol oo kun). Dadkan ayaa ah kuwo haysta go’aamo maxkamadeed oo diidmo ah, balse aan wadanka ka bixin. Tiradda wadamada ugu badan ayaa aha wadamada jaarka la’ah USA ee Latin America.
Wadamadda geeska africa iyo tiradda dadka go’aamadda maxamadeed ee diidmada ah haysta islamarkaana ay hay’adu qorshaysay in ay tarxiisho waa kuwan hoos ku xusan.
1: Ethiopia 1713 ( Kun todobo boqol iyo sadexiyo toban kun oo qof)
2: Somalia 4090 ( Afar kun iyo sagaashan qof )
3: Djibouti 29 qof
4: Kenya 1282 (Kun laba boqol iyo sideetan iyo laba qof).
Sidoo kalle waxaa iyagana kulan ku dhaxmaray magaaladda New York City Tom Homan oo ah masuulka loo magacaaby hay’addan qaabilsan Arimaha masaafurinta iyo Maayirka Magaaladda New York City Eric Adams.
Mayor-ka New York City ayaa jeediyay laba isbuuc kahor khudbad hadal hayn badan dhalisay, taasoo uu ku difaacayo dadka soo galootidda ee magangalyo doonka ah. MR Eric Adams ayaa markuu qudbada jeediyay yiri “ Soo galootiga oo dhani ma’aha Danbiilayaal, waxaa jiro tiro badan oo ka mida oo qayb ka noqday koru-kaca dhaqalaaha. Wuxuu yiri badankood dhib kuma qabno, balse iyaga ayaa Canshuur bixiya”. Hadal jeedintaas kadib; Tom Homan ayaa codsaday kulan uu la yeelanayo maayor Eric Adams.
Kulankoodii wuxuu kusoo dhamaaday isfahan. Mayor Eric ayaa u sheegay in uu diyaar u yahay in uu kalla shaqeeyo Soo qabshadda danbiilayashaa soo galawga ah, kuwaasoo halis ku ah amniga iyo bad qabka dadka reer New York. Mayor Eric wuxuu xusay in uu kaliya kalla shaqaynayo soo qabshadda danbiilaysha balse dadka caadiga ah ay sii wadan doonaan noloshooda.
Tom Homan, ayaa dhanka kalle ku baaqay in uu diyaar u yahay in uu la fadhiisto dhamaan governors-ka gobaladda Dimuqraadiga iyo Maayaradoodda. Wuxuu dhanka kalle xusay in ay tahay waajib qaran in laga wadda shaqeeyo soo qabshadda danbiilashayaa.
Homan, ayaa u muuqda mid muujinaya dabacsanaan, kadib markii ay qorshihiisa masaafurinta ay dood adag iyo difaacis kalla hor yimideen badanka gobaladda ay ka taliyaan Dimuqraadiyiintu.
Dhanka kalle 12 kii bishan wasaaradda Arimaha gudaha ee dalka maraykanka ( DHS) ayaa go’aamisay in ay ugu darto 540 maalmood (17 bilood) dadkii uu ka dhacayo kaarka shaqaddu. Arintan ayay u sababaysay wasaaradu in ay la xidhiidho kobcinta arimaha dhaqaalaha ( foster economic growth). Ansixinta muddo kordhintan ayaa u muuqata mid dawladda madaxwayne Biden ay ugu danaynayso dadka soogalawga ah kahor qabsashadda taladda Trump. sababta oo ah hadii uu yimaado Trump sidda uu sheegay uma cusboonaysiinayo dadkan.
Afar wadan oo kamidda wadamadda tiradda dadka oogu badan loo masaafurin doono ayaa sheegay in aynan diyaar u ahayn qaabiladda dadkaas. Dawladdda madaxwayne Trump ayaa dadaal badan ku bixin doonta sidii ay ugu qancin lahayd qaabiladda Masaafurinta wadamadda ay asal ahaan ka yimideen Soogalawgu.