Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Cirro oo la dardaarmay Guddoonka labada Aqal ee Somaliland

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta ku qaabiley xafiiskiisa shir guddoonka labada holle (Guurtida iyo Wakiilladda) ) iyo Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee maamulka Somaliland.

Madaxweynaha cusub ee maamulka Somaliland ayaa guddoonka labada Aqal iyo guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa uu uga mahadnaqay ka wada shaqaynta danaha maamulka Somaliland iyo sidii isbadalka ka dhacay Somaliland guusha ugu dhammaaday.

Sidoo kale, Madaxweynaha iyo xubnahan uu la kulmay waxay wax iska waydiiyeen sidii tallo Qaran looga yeelan lahaa shaqaaqooyinka ka dhacay magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag iyo sidii xasiloonida bulshada loo adkayn lahaa.

Ugu danbayntii Madaxweynaha cusub ee maamulka Somaliland  waxa uu hay’adaha Qaranka ee sharci dejinta iyo garsoorka u ballanqaaday inuu la yeelan doono wada shaqayn dhaw, isagoona dhankooda ugu baaqay shaqada ay hayaan in ay dardageliyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muqdisho oo caawa Bandow isku diyaarineysa iyo shacabka qaar oo bilaabay in ay…

Cabdi Cade

Mid kamid ah Dowladaha Yurub oo Soomaaliya ugu deeqday 8.9 milyan oo dollar

Cabdi Cade

Akhriso: Dacwad ka dhan ah Mahad Cawad oo loo gudbiyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---