Soomaalidu waxay markasta isugu timaadaa shirar noocyo iyo magacyo kala duwan leh, waxayna halkaas ku soo bandhigaan dareen iyo aragtiyo aad la cajabeyso. Aakhiro iyo adduun ayey kaaga hadlayaan, waxayna soo bandhigaan xalka mushkilad kasta oo adduunkaaga iyo aakhiradaada xariir la leh.
Sanadkasta waxaa taagan shirar culimo dhaqan, siyaasi, aqoon yahan, dhalinyaro iyo qaar haween.
Shirarkaas waxaa looga hadlaa loguna soo bandhigaa daraasado, aragtiyo, doodo iyo falanqeyno la xariira nolosha aadanaha, sida loo hormariyo, loo hagaajiyo, wax looga badalo. Dhib kasta oo dalkeena ka jira ayaa lagu taabtaa, loogana hadlaa, waxaana la raaciyaa sida loo xallin karo. Shirarka qaar ayeyba culimadu uga hadashaa sida ilaa aakhiro dadka loo hagaajin karo.
Quruxda hadalka, aragtiyada, daraasadaha, doodaha iyo xalalka la soo bandhigayo ayaad la ashqaraareysaa.
Goobaha shirarka marka bannaanka looga soo baxana, caruurta darbi jiifka ah iyo akhyaartii shirka joogtey waa isku caqli iyo faham. Wax kasta oo xumaan ah ayaan dhex maquuranaa, wixii qurxoonaa ee aan shirka ku bandhigneyna saameyn kuma lahan nolosheena.
Qaar aqoon yahan sheeganaya ayaad arkeysaa iyaga oo soo bandhigaya aragtiyo noolaha lagu hormarin karo, haddana kama muuqato noloshooda iyo guryahooda.
Inkasta oo ay jiraan umado dhibkaan nala qaba, haddana Soomaalideenu waa ugu daran tahey oo waaba la arkaa tiiha aan ku jirno ee afartan dhaafey.
Waxaa iiga sii daran dhaqaalaha iyo waqtiga ku baxa shirarkaas oo ay baahi uga dhimanayaan dadkii lahaa.
Goormee runta ka hadli doonaa kuna dhaqmi doonaa?
W/Q Korneyl Maxamed Aadan Koofi
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com