Dowladda Ukraine , ayaa sheegatay masuuliyadda dil maanta magaalada Moscow loogu geestay Lt Gen Kirrilov, oo ahaa hogaamiyihii ciidamada ilaalada hubka nukliyeerka Ruushka, waxaana sargaalkan lagu dilay qarax la dhigay gurigiisa hortiis.
Saraakiil katirsan laamaha amniga dowladda Ukraine oo si hoose ula hadlay qaar kamid ah wakaaladaha wararka caalamka ugu afdheer , ayaa sheegtay in dowladda Ukraine ka dabeysay qaraxa maanta lagu dilay taliyahan sare ee katirsanaa ciidamada Ruushka.
Dowladda Ruushka ayaa si kulul u cambaareysay falkan maanta lagu dilay taliyahan katirsanaa ciidanka qalabka sida ee Ruushka, waxa ayna Ruushka falkan ku tilmaameyn mid argagaxiso oo lagu ciqaabi doono cidii ka dambeysay.
Dmitry Medvedev, oo ah guddoomiye ku xigeenka golaha ammaanka ee Ruushka, ayaa sheegay in hoggaanka Ukraine uu wajihi doono aargoosi degdeg ah oo ku saabsan dilka Kirillov, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee RIA.
“Iyadoo la ogaanayo in aysan ka fursaneyn guul-darradeeda millatari, [Ukrayn] waxa ay weerarro fuleynimo ah oo fool-xun ku qaaday magaalooyin nabdoon, mana hureyso in ay la kulmaan ciqaabta dilkii ay maanta geesteen” ayuu yiri Medvedev.
Sirdoonka dalka Ukraine ,ayey u suurto gashay in qarax ku dilaan taliyahan sare ee katirsanaa ciidamada Ruushka madaxna u ahaa ciidamada ilaalada ee hubka Nukliyeerka, waxa ayna dilkan fashil ku noqotay sirdoonka iyo laamaha ammaanka Ruushka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com