Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo arrimo muhiim ah kala hadlay Xue Bing (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee dowladda Shiinaha Wakiilka uga ah Geeska Afrika Mudane Xue Bing oo booqasho rasmi ah ku jooga dalkeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Danjire Xue Bing ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga labada waddan ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha,siyaasadda, diblomaasiyadda, ganacsiga iyo waxbrashada si loo kobciyo danaha ay wadaagan Soomaaliya iyo Shiinaha.

Madaxweynaha ayaa danjiraha la wadaagay horumarada uu gaaray dalkeenna iyo fursadaha maalgashi ee ka bannaan, taas oo ay wadaagi karaan Soomaaliya iyo Shiinaha, waxa uuna xusay in Soomaaliya waqtigan u diyaarsan tahay la falgalidda caqabadaha iyo fursadaha isku sidkan ee ka imaan kara heer Gobol iyo kuwa caalamiga ah.

Dhankiisa, Danjire Xue Bing ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta wanaagsan ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna bogaadiyey guulaha ay ku tallaabsatay Dowladda Federaalka ee amniga, la dagaallanka argagixiasa iyo xaqiijinta nabadda iyo horumarka Geeska Afrika, taas oo ku saleysan daris wanaag, is ixtiraam iyo nabad ku wada noolaanshaha dalalka Gobolka.

 

Related posts

Madaxda afar dowlad goboleed oo Muqdisho soo gaaray & Xog ku aadan ujeedka safarkooda

Caydiid Ali

Milatariga Soomaaliya oo fashiliyay qaraxyo xooggan oo Al Shabaab diyaariyeen (Sawirro)

Cabdi Cade

Jubbaland oo ka jawaabtay War shalay ka soo baxay Wasaarada Arrimaha gudaha Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---