Allbanaadir.com
NEWS

Jubbaland oo mar kale eedeyn culus u jeedisay Madaxweyne Xasan Sheekh

Dowlad goboleedka Jubbaland , ayaa ku eedeysay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in wali uu wado kala furfurida iyo qalqal galinta amniga deegaanada nabadda ah Jubbaland, xilli horey DFS ugu fashilantay ciidankii ay geysay deegaanka Raaskanbooni.

War lagu daabacay Telefishinka ku hadla afka mamaulka Jubbaland, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa in ay ka abuurayaan  degmooyibn katirsan gobolka Gedo  , qalalaase amni oo keeni kara in amniga faraha ka baxo , loona adeegsado saraakiisha ciidanka dano siyaasadeed.

”Degmooyinka gobolka Gedo ayeey Xasan Sheikh Maxamuud iyo kooxdiisa mar kale isku dayayaan in ay ka abuuraan qalalaaso amni, taas oo keeni karta in amnigu uu faraha kasii baxo, madaama saraakiishii loogu talagalay in ay sugaan amniga loo adeegsanaayo dano siyaasadeed” aya alagu yiri warka Jubbaland kasoo baxay.

Warka lagu baahiyay Tv-ga Jubbaland ayaa sidoo kale lagu yiri”Ciidamadii loogu talagalay in ay ilaaliyaan Nafta, maalka iyo Amniga Shacabka Soomaaliyeed ayaa eedeysane Xasan Sheikh Maxamuud iyo Kooxdiisa waxa ay u adeegsanayaan in ay ku dumiyaan nidaam dowli ah oo dhisan mana ahan wax uu dastuurka dalka qabo”.

Eedeyntan kasoo yeertay maamulka Jubbaland , ayaa kusoo aadaya xilli dowladda horey ugu fashilantay qorshihii ay ciidankan ku geysay Raaskanbooni, waxa ayna DFS hadda usoo wareegtay dhinaca gobolka Gedo oo ay dooneyso in ay ka saarto gacanta maamulka Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sacuudiga oo shuruudo cusub ku soo rogay dadka Cumrada soo gudanaya

Caydiid Ali

Saraakiisha ciidanka Xoogga oo la kulmay Shacabka ku dhaqan Ceeldheer (Sawirro)

Cabdi Cade

Gurigii ay Gaalkacyo ka degnaayeen Xerta Wadaadkii Al Shabaab dileen oo lala wareegay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---