Allbanaadir.com
NEWS

Gabar yar oo toogasho laga argagaxay ka geesatay Iskuul kuyaalla Mareykanka

Toogasho ayaa ka dhacday Iskuul gaar loo leeyahay oo ku yaalla Waqooyiga dalka Mareykanka, waxaana toogashadan ku dhintay labo qof , waxaa isla goobta toogashada ay ka dhacday isku toogatay gabadhii ka dambeysay toogashada dhacday.

Booliiska ayaa sheegay in toogashada ka dhacday Dugsiga Abundant Life Christian School ee Madison, Wisconsin, ay fulisay gabar 15-sanno jir ah oo lagu magacaabayay  Natalie ‘Samantha Rupnow, waxaana gabadhan la sheegay in ay kamid aheyd ardayda wax ka dhigata iskuulka.

Gabadhan hubeysneed ayaa toogasho ku dishay macalin iyo arday wax ka dhiganayay iskuulka, waxa ay sidoo kale dhaawac u geesatay shan qof oo kale oo lagu daweenayo isbitaal, kuwaa oo qaarkood la sheegay in dhaawac culus soo gaaray.

Booliiska ayaa markii ay tageen iskuulka toogashada ka dhacday ugu tagay meydka dadka la dilay iyo sidoo kale gabadhii toogashada geesatay oo iyana is dishay, waxa ayna booliiska hadda wadaan baaritaanno ku aadan waxa sababay toogashada dhacday.

Taliyaha Booliska Madison Shon Barnes , ayaa u sheegay warfidiyeenka in ciidamada booliska ee ka jawaabay toogashada aysan ridin hubkooda isla markaana ay goobta ka heleen meydka gabadhii  toogashada geystay, waxa uuna intaa ku daray in sababta keentay toogashada aysan ogeyn ilaa hadda.

Goobta toogashada ka dhacday ayaa waxaa saacado ka jiray argagax iyo kala carar, waxaana halkaasi iyaga oo murugeysan gaarayay waalidiinta ardayda dhigata iskuulka, waxa ayna dhacdadan noqotay mid si weyn looga hadal hayo Mareykanka la isna weydiinayo waxa sababay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kulanka Qoor Qoor, Lafta-gareen iyo Waare ee baydhabo oo shaki la galiyay & Sanbalooshe oo laga xanaaqay !!

admin

Baaritaan guri guri ah oo ka socda Xaafadaha Belad-weyne & Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Lacagta lagu iibsanayo Codadka Xildhibaanada Puntland oo caawa dhaaftay 50-Kun oo Dollar iyo Musharaxa ugu …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---