Dowladda Federaalka Soomaaliya oo horey ugu fashilantay qorshe ay ciidamo badan ku geysay deegaanka Raaskanbooni ee gobolka Jubbada Hoose, ayaan wali ka harin qorshihii ay ku doonayeen in ay cadaadis ku saaraan maamulka Axmed Madoobe.
Sida aan wararka ku heleyno dowladda ayaa mar kale diyaarado ay ciidamo badan saaran yihiin ka dejineysa degmooyin katirsan gobolka Gedo, uu ka arrimiyo maamulka Jubbaland, si ay cadaadis hor leh u saaraan Axmed Madoobe.
Degmooyinka Baardheee, Garbahaarey iyo Baledxaawo ayey dowladda ciidamo hor leh oo katirsan milatariga Soomaaliya ku daadgureeneysaa, waxa ayna dowladda Federaalka dooneysa in guud ahaan maamulka gobolka Gedo laga bixiyo gacanta maamulka Jubbaland.
Dowladda Soomaaliya ayaan wali kasoo kaban ceybtii iyo fashilkii kasoo raacay ciidankii ay geysay deegaanka Raaskanbooni, kuwaa oo noqday kuwa dhintay, kuwa Kenya isku dhiibay iyo kuwa ciidamada Jubbaland gacanta ku dhigeen.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xamse Barre, ayaa ku adkeesanaya in meesha ka saaraan jiritaanka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxa ayna labadan masuul qaadayaan tallaabo kasta ay u arkaan in Axmed Madoobe cadaadis ku saari karaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com