Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Aadan Madoobe oo arrimo muhiim ah kala hadlay Guddiga doorashooyinka Qaranka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, waxaanna Guddoomiyaha Guddiga Cabdikariin Axmed Xasan uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka u faahfaahiyay shaqooyinka guddiga gaar ahaan waxyaabihii u qabsoomay tan iyo markii la magacaabay iyo sidoo kale qorshayaasha u degsan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa xubnaha guddiga ku bogaadiyay shaqada adag ee ay qaranka u hayaan, waxaana uu xubnaha guddiga u sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan in ay dalka hirgeliyaan doorasho qof iyo cod ah si ay dadka Soomaaliyeed codkooda ugu doortaan hogaanka wadanka.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu dambeyn xubnaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha kula dardaarmay in ay dardargeliyaan shaqada qaran ee loo igmaday.

Related posts

Yahya Sinwar oo loo doortay hogaanka Siyaasada Xamaas 

Caydiid Ali

Ciidamo la wareegay xarunta Villa Hargeysa iyo Guddida doorashada Gollaha Shacabka oo hadlay

Cabdi Cade

Dil iyo Dhaawac Muqdisho loogu geestay Shaqaale katirsan Shirkada Hormuud

Cabdi Cade
Taboola Ads ---