Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya oo taageertay Midnimada iyo Wadajirka dalka Shiinaha

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal ayaa ka qaybgalay Munaasabad soo dhaweyn ah oo loo sameeyey ergeyga gaarka ah ee Dalka Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika, Danjire Xue Bing oo booqasho rasmi ah ku soo gaaray Soomaaliya.

Wasiir kuxigeenka ayaa Dawlada Shiinaha uga mahadceliyey dadaalka ay ugu jirto xoojinta Horumarrada kala duwan ee Soomaaliya iyo nabadda Geeska Afrika isagoo bogaadiyay xidhiidka soo jireenka ah ee ku qotoma is ixtiraamka iyo wax wada qabsiga labada dhinac.

Soomaaliya waxay si buuxda u taageersan tahay midnimada iyo wadajirka Dalka Shiinaha, iyadoo ka mahad celinaysa sida ay Shiinaha uga go’an tahay madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Danjire Xue Bing ayaa dhankiisa ka mahadceliyey sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyey wuxuuna sheegay in safarkaan uu yahay kii sadexaad ee uu Soomaaliya ku yimaado, uuna rabo sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada Dal, lana dhaqan galiyo heshiisyadii labada Madaxweyne ku galeen Shirkii Iskaashiga Shiinaha iyo Soomaaliya.

Related posts

Silvia Romano oo Aayado Quraan ah ugu jawaabtay dadka hanjabaadaha u jeedinaya

Caydiid Ali

DF oo ka carootay hadal ka soo yeeray Axmed Madoobe, raali gelina ka dalbatay

Caydiid Ali

Ciidanka Jubbaland oo degaan cusub kala wareegay Al-shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---