Bashaar Al-assad ayaa markii u horreysay soo saaray qoraal , tan iyo markii uu u baxsaday Ruushka, waxa uuna kaga hadlay sababihii keenay in uu iscasilo ugana cararo dalkiisa.
Qoraalka Bishaar Al-assad ayaa u dhignaa sida tan:
“Waxaan sii joogay Dimishiq illaa subaxii 8 December.. Ma jirin wax qorshe ah oo aan dalka uga baxo. Ma aanan lahayn wax niyad ah oo aan isku casilo ama aan magangalyo dalbado. Dalka kamaan bixin xataa saacadihii ugu dambeeyay ee dagaalka— Waxaan ka soo baxay Dimishiq oo aaday Hmeimim, argagixisaduna waxay soo gashay Dimishiq… Safarkayga Hmeimim waxa isku dubariday saaxiibbadayada Ruushka
– Dagaalladii halkaas ayaan kala socday oo halkaas waxaan ka oggaaday in Dimishaq la qabsaday, kaddib markii aan imid Hmeimim, waxaa caddaatay in ciidanku ay ka baxeen goobihii ugu dambeeyay. Kadib markii argagixisadu ay la wareegeen awoodda, ma jirin wax macno ah oo uu madaxweynuhu ku sii joogayo dalka…!
Ciidanku waa la kala diray, hay’adaha dawladdana waxay joojiyeen shaqada ka hor intaanan u bixin Ruushka. Go’aanka aan dalka uga baxayo ayaa la gaaray fiidnimadii Axadda, December 8-deedii. Bixitaanka ayaa dhacday hal maalin kaddib markii la qabsaday Dimishiq. Marna dhacdooyinkan oo kale kuma fikirin in aan xilka ka tago ama aan magan-galyo raadsado, sidoo kale talo-soo jeedin noocaas ah ma jiro qof iyo xisbi soo jeediyay. Habka kaliya ee la isla qaatay ayaa ahaa in la sii wado dagaalka ka dhanka ah weerarrada argagixisada..!
Waxaan mar kale xaqiijinayaa inan ahay qofka maalintii ugu horraysay ee dagaalka iska diidday in uu badbaadada ummaddiisa dano gaar ah ka door-bido. Askarta ciidanka ee jiidda hore, oo mitir u jirta argagixisadu furimaha dagaalka ugu halista badan uguna daran, waa isla shaqsigii sannadihii ugu madoobaa ee dagaalku socday, aan ka tagin, balse u haray qoyskiisa oo garab istaagay dadkiisa, isaga oo la kulmaya duqeynta iyo hanjabaadda soo noqnoqotay ee argagixisadu ku soo duushay caasimadda muddo afar iyo toban sanno ah oo dagaalku socday . Midda kale, waxaan ahay qofka aan weligii ka tagin iska caabinta Falastiin iyo Lubnaan, oo aan khiyaamin xulafadiisa oo garab istaagay…. Marka qofkaa ma noqon karo qof dadkiisa ka tagey ama khiyaamay ciidanka iyo qaranka! Weligay uma shaqeyn mana raadin dano gaar ah, laakiin waxaan had iyo jeer isku tixgalin jiray inaan ahay ilaaliyaha danaha qaran!
… Waxaan leeyahay rajada Suuriya oo mar kale xorowda oo madax bannaan!
W/T Iman Jama