Qoraal kasoo baxay hay’adda nabbadsugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya, ayaa bulshada Soomaaliyeed looga digay in ay la macaamilaan , sidoo kale u dhawaan Xasan Cali Maxamed (Xasan Afgooye) oo Al Shabaab u qaabilsan dabagalka lacagaha baada ah iyo xiriirka shirkadaha.
Hay’adda NISA ayaa sheegtay in ay si dhaw ula socoto xiriirka uu ninkan sameeyo iyo sidoo kale numberada uu isticmaalo, waxa ayna dadka uga digeen in ay ninkan la sameeyaan la macaamil , sidoo kale ka fogaadaan goobaha uu joogo.
Nabbadsugidda Soomaaliya , ayaana ugu baaqday bulshada Soomaaliyeed haddii ay helaan xogta ninkan lagu magacaabo Xasan Afgooye in ay ciidanka NISA lasoo wadaagaan , waxa ayna NISA ballanqaaday cidii xog rasmi ah lasoo wadaagta oo ninkan ku saabsan in abaalmarin siin doonaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com