Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa maanta daahfurey mashruuca Imaaj oo loogu talagalay dadka tabaalaysan, si loo gaarsiiyo horumar waara.
Mashruucan la daahoo socon doona Mudo 5-Sano ah ayaa loogu talagalay in la gaarsiiyo 26,453 qoys, kaasi oo ku baxaysa lacag dhan 76 Million oo ka wada shaqayn doona Wasaaradaha Shaqada, Beeraha, Gargaarka iyo Xanaanada Xoolaha.
Inta uu socdo mashruucan ayaa waxaa ka faa’ideysan doono dad badan oo kunool deegaannada maamulka Koonfur Galbeed, waxaana dadkaasi heli doonaan gargaar, shaqo abuur iyo sidoo kale in loo dhiso guryo ay degaan.
Maamulka Koonfur Galbeed , ayaa ka faa’iideytay mashaariic badan oo loogu tala ga;ay dadka iyo deegaanka, waxaana mashaariicda laga fuliyo Koonfur Galbeed maalgaliya hay’addo caalami ah iyo dowladdo shisheeye.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com