Allbanaadir.com
NEWS

Duqa cusub ee Muqdisho oo maanta tagay xarunta gobolka Banaadir (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ee xafiiska sii baneynaya Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa aqalka dowladda hoose ee Xamar kusoo dhaweeyay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir.

Guddoomiyaha cusub ayaa aqalka dowladda Hoose ee Xamar kulan kula yeeshay guddoomiye kuxigeenada maamulka gobolka Banaadir , asigoona sidoo kale kormeer ku tagay xarumaha kala ah; caafimaadka, dad-dhigista, gaadiidka, gurmadka deg-dega, dhalinyarada iyo xarumo kale oo ka tirsan waaxyaha dowladda Hoose ee Xamar.

Guddoomiye Maxamed Axmed Amiir ayaa u kuur-galay howlaha shaqo ee ka socda waaxyaha uu maanta booqday, asigoona warbixin ka dhageystay madaxda waaxyaha, waxa uuna ku amaanay maamulka iyo shaqaalaha shaqada ay dadka u hayaan.

Duqa cusub ee magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in dhawaan si rasmi ah xilka ula wareego, waxaana socota qaban qaabada munaasabd weyn ay xilka kula kala wareegayaan guddoomiyaha cusub ee gobolka iyo guddoomiyihii hore.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jeneraal Adem Mohammed oo loo magacaabay taliyaha Ciidamada dalka Itoobiya

Cabdi Cade

Nin si xeeladeysan ku dhacay lacag Malaayiin Dollar gaareysa oo Xukun yaab leh lagu riday

Caydiid Ali

Dowladda oo shaacisay tirada Al Shabaab looga laayay weerarkii saakay ka dhacay Baar Sanguuni

Cabdi Cade
Taboola Ads ---