Allbanaadir.com
NEWS

Koongareeska Mareykanka oo loo gudbiyay xeer Aqoonsi Somaliland loogu raadinayo

Dalka Mareykanka waxaa ka bilowday olole aqoonsi loogu raadinayo maamulka Somaliland oo doonaya in Soomaaliya inteeda kale ka go’, waxaana ololahan bilaabay xildhibaanno saaxiib la ah ayna maalgaliyaan maamulka Somaliland.

Xildhibaan ka tirsan Congress-ka Mareykanka oo la yirahdo Scott Perry ayaa waxa uu aqalka horgeeyay xeer cusub oo u ololaynaya in Somaliland loo aqoonsado dal madaxbannaan, waxa uuna taageero u raadinayaa xildhibaankan xeerkan aqoonsi raadiska ah.

Hindise Sharciyeedka oo tirsigiisu yahay 10,402 waxa uu hoosta ka xariiqayaa xasiloonida Somaliland ee tobanaanka sano socotay, ka go’naanta dimuqraadiyadda, iyo muhiimadda istiraatijiyadeed ee Geeska Afrika oo ah sababaha ugu muhiimsan ee aqoonsiga Maraykanka.

Sharcigan ayaa ku jira marxaladda koowaad ee habraaca sharci dejinta. Waxaana Congress-ka la geeyay bishii Diisambar 12, 2024. Sida caadiga ah waxaa tixgalin doona shirka guddiga ee soo socda ka hor inta aan loo gudbin Golaha ama Guurtida guud ahaan.

Sharcigu waxa uu ka dhigan yahay tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo ictiraaf raadinta Somaliland ee tobannaan sano jirsatay, waxa ayna Somaliland raadin badan ugu jirtaa sidii mar un loogu aqoonsan lahaa dal ka madaxbannaan Soomaaliya inteeda kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: RW Rooble oo ka soo horjeestay muddo kororsiga, kuna dhawaaqay doorasho

Caydiid Ali

Burcad dhac dad badan layaabeen ka geestay Saldhig Booliis (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo ka hadashay Dadaalada Nabadeed ee laga dhax wado Jabuuti iyo Eritrea

Cabdi Cade
Taboola Ads ---