War-saxaafadeed goordhaw kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya, ayaa looga hadlay dagaalka kasoo cusboonaaday maalmahan magaalada Ceyrigaabo, kaa oo u dhaxeeya maleeshiyaad kala taabacsan Khaatumo iyo Somaliland.
Wasaaradad Arrimaha Gudaha ayaa ku baaqday in dagaalka Ceyrigaabo kasoo cusboonaaday shuruud la’aan lagu joojiyo, waxa ay sidoo kale odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo haweenka magaalada ugu baaqday Wasaaradda in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo sidii xal looga gaari lahaa dagaalka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com