Xaalad adag ayaa ka taagan jasiirada Mayotte uu maamulo Faransiiska, kaddib markii jasiiradaasi uu ku dhufatay duufaanta daran ee loo yaqaan Chido, taa oo dhalisay dhimashada dad aad u badan iyo sidoo kale bur bur xooggan.
Kumanaan qof ayaana loo maleenayaa in ay ku dhinteen duufaanta ku dhufatay jasiirada Mayotte, waxaana hadda socda gurmad ay ka qeyb qaadanayaan ciidamada Faransiiska oo lagu raadinayo dad ka badbaaday duufaanta xooggan.
Sargaal u hadlay maamulka jasiirada Mayotte , ayaa sheegay in cabsi badan ka qabaan in ay sii kordhaan khasaaraha dhimasho ee ka dhashay duufaanta ku dhufatay jasiiradda, waxa uuna xusay in hadda socdaan dedaalada samatobbixin ah.
Ciidamo dowladda Faransiiska u dirtay jasiiradan maamul ahaan iyada hoostaga iyo shaqaale kale ayaa ka shaqeenaya in bur burka ka raadinayaan dad wali nool, waxa ayna kooxahan samatabbixinta ka shaqeenaya ku guuleesteen in ay helaan dad nool iyo kuwa dhintay.
Jasiirada Mayotte ee maamul ahaan Faransiiska hoostagta, waxaa dhawaanahan tahriib ku tagayay Soomaali badan oo dooneysa in Yurub kasii galaan, Soomaalida kunool jasiiradaasi ayaana kunool kaamam cooshado iyo baco ka sameysan, laman oga in khasaaro kasoo gaaray duufaanta ku dhufatay halkaasi.
Dad badan oo Soomaaliyeed oo dhawaan tahriib ugu socdaalay jasiirada Mayotte ayaana ku dhintay badda jasiirada Madigaskar, waxaana horey jasiiradaasi u galay uguna sugnaa Soomaali kale oo kunool qeybo kamid ah jasiiradaasi hadda musiibadu ka dhacday,.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com