Sirdoonka dalka Faransiiska oo garab buuxa ka helaya maamulka Israa’iil , ayaa ka shaqeenaya sidii loo afgembin lahaa dowladda Aljeria, oo si weyn uga soo horjeeda qorshaha dowladda Morooko ay ku doonayso dhulka saxaraha galbeedka.
Xogo la helay ayaa sheegaya in sirdoonka Faransiiska ka shaqeenayo abuuritaanka kooxo fallaago ah oo kasoo horjeeda dowladad Aljeria, si ay kooxahaasi u sameeyaan afgembi talada looga tuuro nidaamka hadda haya talada dalka Aljeria.
Dowladda Aljeria oo heshay xogta qorshahan ay iska kaashanayana dowladaha Faransiiska, Israa’iil iyo Morocco , ayaa heygan buuxa galisay ciidankeeda sirdoonka, waxa ayna isku dayayaan sidii looga hortagi lahaa qorshe kasta oo ay damacsan yihiin dalalkaasi Aljeria cadawga u aqoonsan tahay..
Morooco ayaa xiriir la sameysay Israa’iil oo iyana adeegsaneysa Faransiiska wakiil awoodeed oo wax burburin kara , taageerro militari iyo diblomaasiyadeedna bixin kara, hadda qorshaha ka socday Aljeeriya, ayaa lagu xiray Faransiiska, Morooco iyo Israa’iilba inay qeyb ka noqon karaan.
Dalalka Aljeria iyo Morocco ayaa isku heysta dhulka saxaraha galbeedka, waxaana labada dal ka dhaxeeya colaad hore oo soo jireen ah, madaxda iyo shacabka Aljeria oo ah kuwa isku xiran ayaana si weyn isha ugu haya qorshaha Faransiiska maleegayo .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com