Dowladda Iran ayey lama filaan ku noqotay sida fudud ee xilka looga tuuray Madaxweynihii dalka Suuriya Bashaar Al-assad, waxa ayna Iran lumisay joogitaankeeda dalkaasi oo ay ka howlgalayeen ciidamo badan oo ay leedahay iyo maleeshiyaad ay taageersan.
Iran ayaa isku dayday in xukunka kusii heyso Madaxweynaha Suuriya, hasa ahaatee taasi waa ay awoodi waayeen waana la celin waayay duullaanka sida duufaanta ah ay ku socdeen maleeshiyaadka mucaaradka ee sunniyiinta ah.
Taliyaha Ilaalada Kacaanka Iran, Xuseen Salami ayaa soo bandhigay dareenka Iran ee iskudaygeeda inay mar kale soo celin karto saameynta ay ku lahayd Suuriya, iyadoo loo marayo afgambi kale oo meesha looga saarayo ciidanka xukunka la wareegay.
“Suuriya waxaa lagu xorayn doonaa gacmaha wiilasheeda xoogga badan.. Israa’iil waa lagu aasi doonaa halkaas— laakiin tani waxay qaadan doontaa waqti, waxaana rajeeneynaa in wax badan is beddeli doonaan” ayuu yiri Xuseen Salami.
Talada dalka Suuriya waxaa sannado badan hayay Madaxweyne Bashaar Al-assad iyo aabihiis oo kasoo jeeday bulshada Calawiyiinta laga tirada badnaa ee Shiicada ah, Iran iyo Xisbullaah ayaana aad u taageersanaa nidaamka ka jiray Suuriya kana difaacay horey in loo rido, balse ugu dambeyn hadda la tuuray.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com