Ururka Xamaas wuxuu soo bandhigay War saxaafadeed sitay farriin kulul oo lagu sheegay in waxa ay Israa’iil ku sameynayso Gaza ay yihiin wax uusan aadanaha horey u arag.
Xaaladda ka jirta waqooyiga iyo bartamaha Qasa, waxay ku sheegeen inay tahay mid aan sawir laga bixin karin.
“Waxaa si ku talagal ah loo gubaa Haweenka iyo Carruurta teendhooyinka, goobaha rootiga iyo gargaarka lagu bixinayo oo bambooyin lagu dhufto, qof kasta oo dhaawac ah ciddii iskudayda inay gargaar u fidiso ayaa sidoo kale duqeyn lala eegtaa, halka isbitaallada laga xir xiray dhakhaatiirta, haamaha neeftana ay yihiin kuwo maran, qalliinnada qaar ayaa la sameeya qofka oo aysan ku xirnayn haanta neefta ama aan lagu dhufan irbad suuxisa” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka
Wuxuu ku soo dhammaaday warsaxaafadeedka Xamaas; “Waxaan si toos ah u codsanaynaa dalalkayga Carabta iyo Islaamka ah, oo ay ku jiraan shucuubta, dawladaha, iyo ciidamada xorta ah, inay si deg deg ah usoo farageliyaan taageerrada iska caabinta iyo dadka marinka Qasa.”