Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Laftagareen oo xariga ka jaray xarunta cusub ee..

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo uu Wehliyo Wasiirka Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Mudane Cabdifataax Maxamed Cali ayaa Xariga ka jaray Xarunta Wasaarada Kalluumaysiga oo laga Dhisay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Wasiiro, Xildhibaano, La Taliyaal, Maamulka Degmada Baydhabo, Agaasimaha Madaxtooyada, Saraakiisha Hay’addaha Amniga iyo Marti Sharaf kale ayaa Goobjoog ahaa Munaasabada Xarig Jarka Wasaaradda Kaluumaysiga.

Laftagareen ayaa ka hadlay muhimada ay wasaarada Kalluumeysiga u leedahay shacabka Koonfur galbeed iyo sida loogu baahan iney uga faa’iideystaan khayraadka Badda oo ka mid ah ilaha wax soo saarka leh ee degaanada G/Galbeed.

Xarunta cusub ee Wasaaradda ayaa waxaa dhismaheeda iska kaashaday Maamulka Koonfur galbeed iyo heyaddo caalami ah, waxayna ka shaqeyn doontaa xoojinta wax soo saarka kalluumeysiga iyo sidii bulshada loogu dhiiri gelin lahaa ka faaiideysiga kheyraadka badda.

Related posts

Daawooyin iyo waxyaabo kale oo maanka-dooriya oo la gubay iyo Madaale oo Digniin diray

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Farmaajo oo la kulmay qaar ka mid ah Soomaalida ku nool Kampala

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo la kulmay Xildhibaanada labada Aqal ee ka soo jeeda Jubbaland (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---